HomeAll newsTaliska "ATMIS" oo Qiray in Weerarkii Xalane uu Geystay Khasaare Kala Duwan.

Taliska “ATMIS” oo Qiray in Weerarkii Xalane uu Geystay Khasaare Kala Duwan.

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska guud ee ciidamada Shisheeyaha ATMIS, ayaa lagu xaqiijiyay in weerarkii duqeynta ahaa ee ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ku beegsadeen xerada Xalane, uu geystay khasaare kala duwan.

Gudoomiyaha ciidamada Shisheeyaha ee Soomaaliya duullaanka ku jooga Muxamad Al-Amiin Suwef, ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray wuxuu ku sheegay, inuu jiro waxyeello isuga jirta dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashey duqeynta lagu beegsadya Xalane.

Wuxuu sheegay inuu tacsi u dirayo ehellada, saaxiibka iyo qaraabada ay xubno kamid ah qoysaskooda ku dhinteen weerarka duqeynta ah, isagoo sidoo kale kuwa dhaawacmeyna u rajeeyay iney bogsoodaan.

Warka kasoo baxay ciidamada Shisheeyaha ATMIS, ayaa lagu sheegay iney si kulul u cambaareynayaan weerarka duqeynta ah ee lagu garaacay Xalane, iyadoona madaxda ciidamada Shisheeyaha ay booqdeen goobaha ay duqeyntu haleeshey.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarka duqeynta ah, iyadoona uu dhaliyay dhimashada 5 qof oo ay saraakiil cadaan ah kamid yihiin, iyo dhaawaca 2 kale oo ciidamada Uganda katirsan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular