Hogaamiyaha maamulka labaxay Axmed Madoobe, ayaa shir wadatashi ah isugu yeeray xillibaannada labada gole ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka ku matala maamulkiisa.
Dowladda Federaalka waxay dhankeeda garoonka diyaaradaha dhigtay magacyada xillibaanno iyo shakhsiyaad ay mamnuuc tahay iney u dhoofaan magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka labaxay Jubbaland.
Tani waxay qeyb ka tahay khilaafka sii xoogeysanaya ee ka dhextaagan Xasan Sheekh Maxmuud iyo Axmed Madoobe.
Dhawaan ayuu Xasan Sheekh Maxmuud, wuxuu kalimad uu ka jeediyay Baarlamaanka Dowladda Federaalka ku sheegay, inuu hirgelinayo doorasho qof iyo cod ah, taasoo ay diidanyihiin siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo maamul goboleedyada qaar.