Wararka ka imaanaya Dalka Uganda ee bariga Afrika ayaa ku waramaya, in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay, biriq ku dhacday Kaniisad ku taalla dalkaas.
Boliska xukuumadda Kampala ayaa shaaca ka qaaday, in ugu yaraan 14 ruux ay ku dhinteen 34 kalana ay ku dhaawacmeen, biriqda ku tdhacday Kaniisadda oo ku taalla woqooyiga dalka.
Dad aad u badan ayaa ku sugnaa Kaniisadda oo si gaar ah ugu taalla degmada Lamwo ee dalka Uganda, waxaana xilligaasi da’yay roobab xooggan.
Afhayeen uhadlay boliska Uganda ayaa sheegay, in illaa iyo hadda aan si rasmi ah loo ogeyn wadamada ay kasoo kala jeedaan dadka ku dhintay biriqda ku dhacday Kaniisadda.
Waxa uu intaa ku daray in aan lasoo warin warar sheegaya in uu dab ka kacay Kaniisadda, kadib markii ay biriqdu ku dhacday.
Dadka dhaawacyada ay soo gaareen oo isugu jira kuwa ay xaaladoodu culus tahay iyo qaar meel dhexaad ah, ayaa waxaa la dhigay isbitaal ku yaalla degmada Lamwo, halkaas oo lagula tacaalayo xaaladooda caafimaad.
Dalka Uganda ayaa waxaa marar badan laga soo tabiyay dhacdooyin nuucaan ah, waxaana sanadkii laasoo dhaafay biriq ku dhacday degmada Arua ku dhintay 11 caruur ah, halka ay ku dhaawacmeen 77 ruux oo kale.