Wasiirka Gaashandhiga Dowladda Federaalka Maxmed Cabdilqaadir Jaamac, ayaa ku faanay duqeymaha Shisheeyaha ay u geysanayaan deegaanada ay dadka shacabka ah ku noolyihiin, ee ay waxyeelladu kasoo gaarto dadka shacabka ah.
Wuxuu sheegay in dadka warbaahinta ka hadla iyagoo sheegaya iney dadkooda ku dhinteen kuna dhaawacmeen duqeymaha diyaaradaha Shisheeye, ay yihiin dad katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Hadalkiisa wuxuu kusoo aadayaa iyadoo hay’adaha sheegta iney u doodaan xuquuqda Aadanaha, ay marar badan shaaciyeen in duqeymaha Maraykanka iyo Turkiga ay ku waxyeelloobaan dad shacab ah, oo aan wax lug ah ku lahayn Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.