Waxaa maalmihii lasoo dhaafay degmooyin iyo deegaanno katirsan gobalka Jubada-hoose laga soo sheegayay, kuleylo iyo abaaro daran oo kajira goobahaas.
Xaaladda ayaa gaartay in dadka qaarkood ay harraad ugu dhintaan qeybo kamid ah gobalka.
Ugu yaraan 4 ruux ayaa biyo la’aan darteed waxa ay ugu geeriyoodeen deegaan hoostaga degmada Dhoobley ee Jubada-hoose, waxaana arrinkaasi ka waramay Xasan Cabdi Xaashi oo ah gudoomiyaha degmadaas.