Weerar loo adeegsaday Bam Gacmeed oo ay ka dambeeysay koox dagaal kula jirta dowladda Hindiya, ayaa shalay ka dhacay suuq ku yaalla magaalada Siriinaajaar oo ah caasimadda qeybta ay Hinditya ka heysto gobolka Kishmiir ee gumeysiga ku jira.
Sarkaal u hadlay Booliska Hindiya ayaa sheegay, in 11 ruux dad aan ka yareyn ay ku dhaawacmwen, kadib markii koox hubeysan ay Bam-gacmeed kusoo tuurtay, ciidamada Amaanka oo ku sugnaa suuqan oo xilligaasi ahaa mid ay buuxeen dad badan.
Isagoo u warramaya wakaaladda wararka ee Reutrers ayuu intaasi ku daray, in kooxdan hubeysan ay ku guuldarreysteen hadafkooda, islamarkaana weerarkooda ay dhaawacyo kasoo gaareen 11 qof oo loola cararay isbitaalka, kuwaasoo uu xaaladooda caafimaad ku tilmaamay mid xasiloon.xaalad caafimaad oo degan.
Kooxdan hubeysan ayaa tobanaan sano dagaal kula jiro ciidanka Hindiya, waxayna dileen kumanaan kamid ah askarta xukuumadda New-Delhi.
Gobolkan Kishmiir ee ay leeyihiin Muslimiinta ayaa waxaa muddo dheer gumeysi ku heysta dowladda Hindiya, waxayna ka jartay caalamka intiisa kale.