HomeAll newsSaacado Keliya oo Ka Harsan Doorashada Maraykanka oo Cabsi Badan Laga Muujinayo.

Saacado Keliya oo Ka Harsan Doorashada Maraykanka oo Cabsi Badan Laga Muujinayo.

Shanta bisha November oo ku began maalinta berri oo Talaado ah, waxaa la filayaa iney Wadanka Mareykanka ka bilaabato doorashada madaxtinmo oo ay tagaan yihiin labo musharrax oo ka kala socda xisbiyada Jamhuuriga  iyo Dimoquraadiga.

Xisbiga Jamhuuriga waxay wataan xilkanna urabaan Donald Trump oo horay madaxweyne uga soo noqday dalka Mareykanka muddo xileedkii ka horreeyay kan hadda jooga ee joe Biden, iyo haweeneyda lagu magacaabo Kaamal Haaris oo ay wataan xisbiga Dimoqoraadiga, xilliganna madaxweyne ku xigeen ka ah Mareykanka.

Mid waliba oo kamid ah labadan musharrax wuxuu wataa ololihiisa, isagoo dadka Ameerikaanka ah ku beerlaxawsanaya iney ka samata bixinayo dhibaatooyinka ay wajahayaan, waxna ka bedelayo siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanku xilligan kula dhaqmayo Aduunka.

Maadaama dadka udhashay Mareykanka qaarkood ay dalbanayaan in la joojiyo dagaalka uu Mareykanku kaga jiro Bariga Dhexe, ayna dareemayaan cabsi xooggan oo kusoo foodleh iyaga, ayaa mid kasto oo kamid ah labadan musharrax wuxuu aad ugu dadaalayaan inuu ololihiisa ka meel mariyo qaddiyan, iyo inuu isagu soo afjaridoono, si ay uhelaan codadka ay doonayaan.

Maaadaama Trump ay la tartameyso qof dumar ah, islamrkaana horay aysan wadanka Mareykanka haweeney madaxweyne uga soo noqon, waxay dadka udhuundaloola siyaasadda Mareykanka aamisan yihiin ineysan wax sahlan ahayn in dalka Mareykanka qof dumar ah looga madaxweyne, hase ahaatee wala arki doonaa halka ay ku biya shubato arrintooda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular