HomeAll newsWarbixin: Sheekh Abuu Cubeyda oo ka Hadlay Damaca Itoobiya ee Badda Soomaaliya.

Warbixin: Sheekh Abuu Cubeyda oo ka Hadlay Damaca Itoobiya ee Badda Soomaaliya.

Mu’assasada warbaahineed ee Al-Kataa’ib, ayaa baahisay kalimad muhiim ah oo uu jeedinayo Sheikh Axmed Cumar Abuu Cubeyda, taasoo lagu gorfeeyay damaca Itoobiya ee la xiriira qabsashadda dhulka iyo badda Soomaaliya, iyo waxa uu salka ku hayo damacaas.

Kalimadan oo la dhageysan karo kudhawaad 45 daqiiqo, wuxuu Sheekh Abuu Cubeyda si xeeldheer uga hadlay, dagaalka iyo colaadda ka dhexeysa Muslimiinta Soomaaliyeed iyo Nasaarada Xabashida ee dega dalka Itoobiya.

Wuxuu soo hadal qaaday is-afgaradkii xaaranta ahaa ee dhexmaray maamulka labaxay Soomaaliland iyo dowladda Itoobiya, kaasoo uu ku tilmaamay inuu ahaa nabar la filayay, laakiin aan lagu baraarugin, haddii lagu baraarugeyna aan laga hortagin.

“ Dagaalka Itoobiya ee ka dhanka ah umadda muslimka ah ee Soomaaliyeed, ma ahan mid ku saleysan khilaaf siyaasadeed, ama dagaal qowmiyadeed. Waxaan isku heyno Itoobiya waa dagaal diineed, oo salka ku haya kalimada Towxiidka, waana loolan u dhexeeya Iimaanka iyo Kufriga, Kaniisadda iyo Masjidka” ayuu yiri Sheekh Abuu Cubeyda.

Isagoo sii wata kalimadiisa, wuxuu Sheekh Axmed Cumar Abuu Cubeyda, Amiirka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab tilmaamay, in dhiiranaanta Itoobiya iyo iney maalin cad haweysato badda Soomaaliyeed, ay ku timid iyadoo umadda Soomaaliyeed ka tagtay ku dhaqanka Shareecada Islaamka, Jihaadkiina la iska illoobay, dullinnimana raalli lagu noqday.

“Sababta ugu weyn ee kaalinta ka qaadatay in Itoobiya iyo si guud gaaladu nagu soo duulaan, waa inaan ka tagnay ku dhaqanka diinteena, qalbigeenana uu ku weynaaday aduunyo jacayl iyo geeri naceyb, taasoo keentay in laga tago Jihaadka, laguna raalli noqdo nolol dulli ah”. Ayuu yiri Sheekh Abuu Cubeyda.

Asbaabaha kale ee uu ka dhawaajiyay Sheekh Axmed Cumar Abuu Cubeyda, qeybtana ka ah in Itoobiya ay kusoo dhiirato dhulka iyo badda Soomaaliya, waa iyadoo umadda Soomaaliyeed dhexdeedu ku baahday qabyaaladda, culimadii looga fadhiyay iney halganka hogaamiyaanna ay qaarkood qeyb ka noqdeen mashaariic hagardaamo ku ah umadda Soomaaliyeed.

Maadaama dowladda Itoobiya ku jirto diyaar garow kama dambeys ah, oo ay ku dooneyso iney kula wareegto xeebaha iyo dhulka Soomaaliya, wuxuu Amiirka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab kusoo gudbiyay kalimadiisa, waxa la gudboon Umadda Soomaaliyeed iyo tallaabooyinka ay tahay iney qaado, si looga hortago damaca Nasaarada Xabashida.

“ Waa inaan ku Jihaadnaa Jidka Allaah, cadowgana kala hortagnaa dagaal iyo hub. Sidoo kale waa inaan ku midownaa Kitaabka Allaah, si wadajir ahna xarrigiisa u qabsannaa, oo aan ka fogaannaa kala qeybsanaanta, qabyaaladda iyo qowmiyadda” ayuu yiri Sheekh Axmed Cumar Abuu Cubeyda.

Mid kamid ah tallaabooyinka looga hortagi karo duullaanka Itoobiya iyo damaceeda la xiriira qabsashada dhulkan, waa in talada laga tuuro maamullada kajira dalka ee ku daaban Shisheeyaha, sida uu tilmaamayo Amiirka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, isagoona ku tilmaamay Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada kuwa caadeystay iney dabadhilifyo u noqdaan Xabashida, danaheedana u fuliyaan.

Qeybaha dambe ee kalimadda cusub ee uu jeediyay Amiirka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, wuxuu dardaaran muhiim ah ugu diray guud ahaan umadda Muslimka ah ee kunool mandiqadda, gaar ahaan dhalinyarada iyo qabaa’ilka.

“ Waxaan ugu yeereynaa Allaah dartii iyo inaan amaanada ka gudanno, waxaan dhamaantooda ugu baaqeynaa iney kusoo biiraan safka Mujaahidiinta, ayna nagu garab siiyaan difaacidda diinta, dalka iyo hantida Umadda muslimka ah ee ku sugan Bariga Afrika”. ayuu yiri Sheekh Abuu Cubeyda.

Wuxuu soo hadal qaaday Sheekh Axmed Cumar Abuu Cubeyda, heshiisyada iskaashiga difaaca ee dhexmaray Xasan Sheekh iyo dowladaha Turkiga iyo Masar, isagoona ugu baaqay umadda Soomaaliyeed inaaney ku kedsoomin heshiisyadaas, dadka khudlaamiyay Muslimiinta Filastiinna aan marnaba laga sugeynin iney har qabow u jiidaan Umadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, wuxuu Amiirka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab bogaadiyay, sida Umadda Soomaaliyeed  aaney ugu kala harin ka dhiidhinta damaca Itoobiya, wuxuuna ugu baaqay inaaney ku kaaftoomin bananabaxyo iyo hadal, oo ay ku daraan ficil, qeybna ka noqdaan halganka ka socda dalka, ee lagu difaacayo jiritaanka Umadda Soomaaliyeed.

Kalimadda cusub ee uu jeediyay Sheekh Axmed Cumar Abuu Cubeyda, Amiirka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ayaa kusoo aadeysa xilli Itoobiya ay u tafa-xeydaneyso sidii ay u qabsan lahayd guud ahaan dalka Soomaaliya, iyadoo magaalooyin dhowr ah oo ku yaala koonfurta iyo bartamaha ay ku suganyihiin kumanaan askari oo Itoobiyaan ah.

Halkan kala deg Kalimadda cusub ee Sheekh Abuu Cubeyda

Halkan ka daawo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular