HomeAll newsYahuudda oo Sheegay iney Duqeeyeen Xaruntii Sirdoonka Shiicada ee Dimishiq.

Yahuudda oo Sheegay iney Duqeeyeen Xaruntii Sirdoonka Shiicada ee Dimishiq.

Duqeyntan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacday magaalada Dimishiq ee wadanka Suuriya, ayaa waxaa fuliyay maamulka Yahuudda, wuxuuna la beegsaday xubno katirsan ururka Shiiciga ah ee isku magacaabay Xisbullaah, kuwaasoo ku sugnaa xarun sirdoon oo ay ku leeyihiinDimishiq.

Weerarkan dhanka cirka ah waxaa ku dhintay 2 kamid ah xubinhii la beegsaday, halka ay ku dhaawacmeen 5 kale.

Maamulka Yahuudda ayaa sheegtay inuu isagu ka dambeeyay duqeyntan, islamarkaana ay xarunta beegsadeen diyaaradooda dagaalka, kadib markii ay xog ka heleen sirdoonkooda.

Maamulka Yahuudda ayaa wali beegsi ku haya xubnaha ururka isku magacaabay Xisbullaah ee kasoo cararay dalka Lubnaan kuwaasoo ku dhuumaaleysanaya Suuriya.

Waxaa marar kala duwan dalka Suuriya ka dhacay, duqeymo uu ka dambeeyay kayaanka Sahyuuniag ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular