HomeAll newsShacabka Maraykanka oo Maanta Dooranaya Madaxweynahooda.

Shacabka Maraykanka oo Maanta Dooranaya Madaxweynahooda.

Doorashada Madaxtinimo ee Mareykanka ayaa Maanta ka Socaneysa Dalkaasi, iyadoo ay dadka Ameerikaanku codadkooda ku kala Taageerayaan Labada Musharrax ee Xilka Madaxtinimo u Taagan.

Wadanka Mareykanka waxaa maanta ka socota doorashada madaxtinimo ee dalkaasi, waxayna  si toos ah ubillaabatay afarti saac ee maanta, iyadoo shacabka Ameerikaanka ah ee ku sugan gobollada kala duwan ee Mareykanka ay qolaba mar tebeyso goobaha cod bixinta ee dalkaasi Mareykanka.

Doorashada billaabatay maanta ayaa gaareysa illaa iyo berri subax, waxaan nadiijadeed lagu dhawaaqi doonaa kadib 40 Maalin.

Marka laga hadlayo dalka Mareykanka, majiro wax madaxweyne ah oo ay soo doortaan dadka Ameerikaanka ah, hase ahaatee waxay codadkooda siiyaan oo kaliya dadk dooranaya sida gaar ah usoo xulaya qofka noqonaya madaxweynaha Mareykanka, waxbana kama duwana midda doorashada ka dhacda Soomaaliya ee uu kusoo baxo qof ay wataan shisheeya duulaanka ku jooga, waayo waxaa doorta qof qabanaya xilka madaxtinimo ee Mareykanka qolo gaar ah, kama dhigna inuu guusha helayo qofkii codad bata.

Sidaasi darteed Shacabka Mareykanku wey dhiibtaan codadkooda, laakiin go’aan ugu dambeeya ee rasmiga ah oo waxaa leh, cidda sida rasmiga ah uhogaamisa Mareykanka, oo ah qolada Soo dooraneysa qofka noqonaya Madaxweynaha Mareykanka, oo la sheego iney ku jiraan xubno Yahuud ah, islamarkaana ka fiiriya ruuxaasi sida uu daacad ugu yahay iyaga.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular