HomeAll newsTrump oo Mar kale Noqday Madaxweynaha Mareykanka.

Trump oo Mar kale Noqday Madaxweynaha Mareykanka.

Donlad Trump oo ahaa madaxweynihii ka horreeyay Joe Biden-ka aan haatan wali xilka  wareejin, ayaa mar kale ku guuleystay xilka madaxtinimada ee dalka Mareykanka, kadib markii uu kusoo baxay doorasho soo billaabatay maalintii shalay oo Talaado ahayd.

Waxay xilkan ku tartamayeen haweeneey lagu magacaabo Kamaala Haaris, waxayna kala heleen codad kala noqday sidan soo socota:

Guud ahaan codadka laga doonayay waxay ahaayeen 270 cod, Trump ayaana wuxuu helay 267 cod, halka Kamaala Haaris ay heshay 224, sidaasi ayuuna ugu guuleystay.

Markii ay soo dhamaatay doorashada, wuxuu Trump isaga oo ku sugan gobolka Florida gaar ahaan xaruntiisa ololaha doorashada jeediyay khudbad uu kaga hadlay guushiisa doorashada.

Wuxuu mar kale inuu kusoo noqdo xilka madaxtinimada ee Mareykanka ku tilmaamay guul taariikhi ah oo uu xaqiijayay, halka dadyow badan oo Caalamka ku nool soo laabashadiisa u arkaan mid aan iyaga dan u ahayn, sameeyna ku yeelan doonta.

Durbaba ras’iisulwasaarayaasha Itoobiya iyo kan maamulka gumeystaha Yahuudda ayaa bilaabay iney u hambalyeeyaan Trump, maadaama ay u arkaan mid danahooda ka shaqeynaya.

Trump ayaa muddo xileedkiisii hore magaalada barakeysan ee Al-Qudus u aqoonsaday iney tahay caasimadda Yahuudda, waxayn Sahaayinadu mar kale soo laabashadiisa u arkaan mid ayaga masaalixdooda u adeegeysa.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular