Dolwadda Xabashida Itooibya oo ay kumanaan askari ka joogaan dalka Soomaaliya, gacanta ku heysa magaalooyin dhaca koonfurta dalka, ayaa sheegtay in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab maalinba maalinta ka dambeysa ay sii xoogeysaneyso, halista amni ee ay ku heyso dalalka dhaca geeska Afrikana ay sii kordheyso.
Nebiyu Tedla, oo ah kuxigeenka wakiilka Itoobiya ee ururka Midowga Afrika, ayaa isagoo ka hadlayay weerarkii duqeynta ahaa ee lagu beegsaday xerada Xalane, wuxuu sheegay in Xarakada Al-Shabaab ay tahay mid kamid ah ururada ugu halista badan ee kajira qaaradda Afrika.
Qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay X, ayuu ku sheegay in Al-Shabaab ay halis ku tahay dowladaha dhaca geeska Afrika, loona baahanyahay in la iska kaashado dagaalka ka dhanka ah.
Masuulkan Itoobiyaanka ah ayaa bartiisa X wuxuu soo dhigay bayaan kasoo baxay Taliska ciidamada Shisheeyaha ATMIS, kaasoo ay ku qiranayeen in weerarkii duqeynta ahaa ee ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku beegsadeen xerada Xalane, uu geystay khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac.
Dowladda Xabashida Itoobiya, ayaa kamid ah dalalka duullaanka qaawan ku jooga dalkan Soomaaliya, ciidamadeeduna ku kacayaan tacadiyaad ka dhan ah umadda Soomaaliyeed.
Dhawaan amiirka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo jeediyay kalimad, wuxuu Umadda Soomaaliyeed ugu baaqey in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah Itoobiya, oo uu sheegay inuu yahay dagaal caqiido iyo mabda’, ayna ku dooneyso la wareegitaanka badda Cas iney ka dhigato saldhig ay kaga duusho dhulka barakeysan ee Xarameynka.