Saddaam Maxamuud Cabdi oo ah wasiir ku xigeenka wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda ayaa ku dhawaaqay inuu xilka iska casilay.
Masuulkaan oo ah kii 3-aad oo muddo maalmo guhadood ah is casilo ayaa waxaa tallaabada uu qaaday ay salka ku heysaa, khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamulka la baxay Jubaland.
Waxa uu dowladdii uu katirsanaa ku eedeeyay iney baalmartay dastuurka ay dajisteen, siyaasadeysay mashaariicda Puntland, kunna tumatay nidaamka fedaraaliga ah, colaadna ay ka dhex abuureyso deegaannada uu ka arrimiyo maamulka Jubbaland.